MASHAARIIC
Ka dib markey burburteyDowladdii dhaxe ee Somalia wuxuu sameeyay qoysas fara badan oo dagaalka ku dhintey aabayaal aad u tira badan, taariikhdu markey ahayd 1996 ayaa Tadamun waxay bilowdey in ay caawiso agoontaas,oo ay siiso biil iyo waxbarasho isla markaana ay u sameyso arad tir.
Hay,ada Tadamun waxay wax ka qabataa dhibaatooyinka dhaca ee lama filaanka ah, sidii dhacdadii (Tusunaami) oo kale, hay”ada Tadamun waxay ka geysatey wax tar weyn oo waxay qeybisey 50 laash oo la siiyey dadkey dhibaatooyinka ka soo gaareen (Tusunaamiga) oo u badnaa dadka reer Puntland oo degan xeebta badweynta India.
Hay,adu waxay gacan weyn ka geysatey qodida ceelasha waxay ceel ka qoday magaalada Bacaad weyn ee Gobolka Mudug, waxay kaloo qodey 4 ceel ay ka hirgelisey gobolada iyo degmooyinka Puntland.waxay kaloo Tadamun hirgelisey in ay u qodey Nugaal iyo Gobolka Karkaar 2 ceel oo biya ah, Tadamun waxay kaloo fulisey qodid iyo habeen ku sameeysey 85 ceel oo biyo gobolada Puntland oo dhan. waxaa kaloo qorshaha ugu jira in ay qodo intaa wax ka badan.
Barnaamijyada Qaybta Mashaariicda ee Hay’ada waa kuwo tira badan sida idiinku soo gudbinaynaa qaybtan hoos ku xusan:
Barnaamijka la yiraahdo Community Driven Development (CDD) waa barnaamij la tababaro laguna dhiso wacyiga bulshada si ay bulshadu u yeelato qorshe hawleed ay iyagu leeyahiin kalana hormarsadaan baahiyahooda sida ay u kala daran yihiin, si ay bulshada lafteedu wax uga qabato lagana kaaftoomo in bulshadu had iyo goor ku tiirsanaato hay’ado ee iyagu qorshaha iyo waxqabadkaba la yimaadaan ciddii kale ee wax ku kordhinaysana ay soo dhoweeyaan haddii ay hay’ad tahay iyo haddii kaleba, mashruucaan hadda waxa ku lug leh hay’ado UNka ka tirsan waxaana laga dhigay Joint Program waxaana fulinaysa hay’ada wadaniga ah ee TADAMUN xulida tuulooyinka iyo xaafadaha hawshan laga qabanayo waxaa is ka leh wasaarada arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland gaar ahaan maayarada, degmooyinka hawshan wacyigelinta ah laga sameeyey ilaa hada waa 5 degmo oo kala ah:
1.Degmada Bosaso 2. Degmada Caluula
3.Degmada Danoroy 4. Degmada Garowe
5.Degmada Galkacayo
Dhammaan xaafadaha iyo tuulooyinka ka tirsan shanta degmo waxay samaysteen qorshe hawleed iyo guddiyo la yiraahdo guddiyada horumarinta iyaga oo si toos ula shaqeya konsalka degmooyinkooda si loo horumariyo adeegyada bulsho.
Barnaamij kale baa jira oo la yiraahdo Child Protection Dhowrista Xuquuqda Caruurta hawshaas waxay u badan tahay wacyi gelin la siinayo dadka gaar ahaan IDP (kaamamka dadka soo barakacay) iyo bulshada kaleba wacyigelintaas waxaa barbar socota shaqaalaha howshaa ka shaqeeya marka ay la kulmaan ilmo lagu xadgudbay xaquudiisa ama buka oo aan waalidkiis waxba u qaban karin waxay u sameeyan advocacy (u qareemid) waxay arrintiisa u gudbiyaan isbitaalada iyagoo mas’uuliyiinta u weydiinaya in ilmahaa la caawiyo hay’ada Tadamun waxay siisaa taageero xagga daawada ah si loo daryeelo ilmaha dhiban waana mas’uuliyad la rabo in dhammaan muslimiintu dareemaan oo ay caawiyaan dadka nugul, hawshaas waxaa nagala shaqeeya xagga kormeerka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyadoo laga wado dhammaan gobolada Puntland.
Tadamun waxay wacyigelin siisay arday wax ka barata ilaa 22 iskool oo ku kala yaala gobolada Puntland si ay ardaydu isu ilaaliyaan ugana fogaadaan waxyaalaha keeni kara HIV/AIDS waxay hay’adu sidoo kale dhistay 22 urur iskool oo ardayda dhexdooda laga sameeyey (School Clubs) si ay ardaydu macluumaad HIV/AIDS isu siiyaan maadaama ay dhalinyaradu yihiin dadka ugu badan ee khatarta ugu jira xanuunkan si ay uga fogaadaan khatartiisa. hawshan waxaa kormeerkeeda nala sameeya Puntland Aids Commission PAC oo wakiil ka ah dawlada Puntland
Waxaa kale oo jira barnaamijyo kale sida Gender Based Violence oo lagu caawiyo laguna wacyi geliyo gaar ahaan haweenka ay dhibaatada soo gaarto una badan kuwa soo barakacay ee sida kufsiga, dilka iyo wixii la midka ah. Waxaa hawshaan ka shaqeeya dumar loo tababaray in ay caawiyaan dumarka kale ee dhiban Waxaa mashruucan kormerkiisa nagala shaqeeya wasaarada Haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland.
Waxa jira oo kale Psychosocial project ama masharuuc ah talasiinta iyo waciyigelinta bulshada oo Tadamun ka wado magaalada Gaalkacyo gaar ahaan wacyi gelin iyo talo siin dadka dhibaatooyinka dagaalada sokeeya ay saameyn ku yeelatay maskaxdooda sida buufiska waxa ay bulshadu u taqaano ama qof lagu xadgubay oo ka murageysan waxii ku dhacay oo lala taliyo si ayna dhibaatadaas maskaxdiisa wax u yeelin, waxaa isla mashruucaas lagu caawiyaa iskuulada oo loo sameeyo play grounds meel ilmuhu ku ciyaaraan.tababaro bulshada iyo macalimiinta la siiyo oo la xiriira sida qofka ama ardayga dareemaya walaaca iyo isla hadalka loo ogaado xaaladiisa loona siiyo talooyin dejin kara qofkaas.
Mashruuca horumarinta ururada dhilinyarada Youth Development Program masharuucaan waxaa loogu tala galay in lagu kobciyo waxqabadka iyo khibrada ururada dhalinyarada, waxay u soo qortaan dalab mashruuc (Proposals). hay’ada Tadamun qiimayn ka bacdi waxaa laga xulaa ururada waxqaban kara waxaana la siiyaa (Small Grants) lacag yar oo ay bulshada wax ugu qabtaan haddii ay nadaafada, wacyi gelin xagga nabada oo lagu baraarujinayo dhalliyarada iyo wixii la mid ah. Ururada dhallinyarada waxaa laga soo xulaa dhammaan gobolada Puntland.



Our Facebook
Our Flickr
Our Youtube
Tadamun website
Leave a Comment
Comments (0)