Kusoo Dhowow Tadamun
Tadamun waa hay,ad kheyri ah oo ay asaaseen aqoonyaho Soomaliyeed sanadkii 1992. Kadib burkii laga dhaxalay dagaalada sokeeye waxa ay hay’adu u istaagtay in ay wax ka qabato baahida dhincyada waxbarashada, caafimaadka iyo gargaarka bulshada.
Ugu horeyn waxa ay Tadamun xoogga saartey in la kobciyo heerka waxbarasho ee gobolada Puntland waxayna aasaastay ugu horeyntii dugsiyo hoose,dhexe, sare oo uu ugu horeeyey dugsiga caanka ah ee Imaam-al-Nawawi Boosaaso. Sanado yar kadib waxaa fidey dugsiyadii waxbarasho ee ay hay’ada Tadamun ka hirgalisay dhamaan gobolada Puntland ee Soomaaliya kuwaasoo hadda gaaray ilaa todoba iyo toban dugsi.
Hay,ada wadanigaa ee Tadamun waxay sidoo kale xoogga saartey arrimaha caafimaadka iyadoo furtay sanadkii 1996 xarun lagu daaweeyo bukaanka qabaa cudurka Qaaxada ee la yaqaan (T.B). Furitaanka Mercry TB Centre waxa iska kaashaday hay,ada tadamun iyo ey,ada Mercy international USA. Waxa xarunta ay ka koobantahay, qeyb lagu baaro dadka qaba cudurka HIVga, iyo xarunta daaweynta Qaaxada oo maalin kasta siisa daawo dad aad u fara badan oo gaaraya 300 oo qof, isla mar ahaantaasna kaantaroosha daawada iyo habka ay u qaataan cunida daawada..



Our Facebook
Our Flickr
Our Youtube
Tadamun website